{DAAWO SAWIRADA } Rooble oo la kulmay Yuusuf Dabageed

0
298

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa Muqdisho kulan kala qaatay Ra’iisul Wasaare Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka labada masuul ayaa daarnaa dardar-galinta howlaha doorashada Hirshabelle xal u hellidda tabashooyinka Hirshabelle laga qabo iyo sidii gurmad wada jir ah loo gaarsiin lahaa qoysaska aay Abaarta sameynta ku yeelatay ee deegaanada Hirshabelle ku nool.

Ra’iisul Rooble ayaa ku amaanay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle doorkiisa hoggaamineed iyo wax qabadkiisa.

Madaxweyne Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa 48-saac ee lasoo dhaafay kulamo kala duwan Muqdisho kula qaatay madaxda dalka ugu sareeysa waxaana lagu wadaa in maalmaha soo aadan ii soo gaaro magaalada Beledweyne.