{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM

0
211

Muqdisho, December 05, 2021 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga , Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Ciidamada AMISOM, Janaraal Diomede Ndegeya, iyaga oo ka wada hadlay waajibaadka shaqo ee ciidamada AMISOM.

 

Intii uu kulanku socdey waxaa diiradda lagu saaray sidii loo hirgelin lahaa qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso sugidda amnigeeda qaran, iyada oo qorshaha kala-guurka lagu salaynayo heshiisyadii hore loo gaaray iyo waaqica jira, maadaama waajibaadka shaqo ee ciidammada AMISOM uu ku egyahay dhammaadka bishan December.

 

Sidoo kale, Wasiirka iyo Taliyaha ayaa ka wada hadlay qaabka ay isula falgeli lahaayeen Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeeed iyo kuwa AMISOM iyada oo marwaliba masuuliyadda jihaynta ay leeyihiin Soomaalidu.