Kuuriyada Koofureed oo welwel ka muujisay Xaaladaha cusub Covid-19 ee dalkeeda laga helay.

0
110

Kuuriyada Koofureed ayaa sheegtay in xaalado cusub oo Covid-19 ah ay diiwaangelisay kaddib markii ay soo baxday Natiijada dadka laga baaray Coronavirus sida ay sheegtay Wakaaladda Xakameynta & kahortagga cudurrada.

Xaaladaha cusub ee Covid-19 waa 5,123 (Shan kun, boqol, labaatan & saddex) kiis, wadarta guud ayaa gaartay 452,350 (Afar boqol, konton & labo kun, saddex boqol iyo Konton) kiis guud ahaan Dalkaas.

34 xaalado cusub oo dhimasho ah ayaa diiwaanka u galay Kuuriyada Koofureed, wadarta guud ee dadka ku naf waayay ee sababsaday Coronavirus Dalka Kuuriyada Koofureed waxa ay caga-cageyneysaa 3,658 (Saddex kun, lex boqol, konton & Siddeed).

Wakaaladda xakameynta iyo kahortagga cudurrada ee Kuuriya Koofureed ayaa sheegtay in ay sii wadeyso Baarista dadka looga shakiyay Covid-19, waxa ay soo jeedisay in si dhammeystiran loo qaato Tallaalka.

Kuuriyada Koofureed waxaa ku badan socodka Ajaanibta reer Galbeedka ee danaha kala duwan u taga dalkaas, Mareykanka oo ay ka joogaan Ciidan wadajir u cabsi geliya waddanka ay kala go’een ee Kuuriyada Waqooyi.