laamaha amaanka hirshabeelle oo gacanta ku dhigay maandooriye

0
162

Laamaha ammaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeele ayaa waxaa ay howgallo ballaaran ka sameyeen Xaafadaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Howgalka oo ahaa mid qorsheysan sidoo kalena ay ka qayb qaateen qaybaha kala duwan ee Ciidanka ammaanka oo ka koobnaa Nabad Sugid iyo Boolis ayaa waxaa u jeedka howlgalku ahaa sugidda ammaanka iyo baadi goobka kooxo ka ganacsada Maandooriyaha.

Intii uu Howgalku socday ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigay Maandooriye la diyaariyay oo sida la sheegay la doonayay in Muqdisho loo dhoogiyo, si dhuumaalaysi ahna lagu galiyo.
Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen haweenay gurigeeda ku keydinaysay Maandooriyaha iyo gaarigii lagu daabuli jiray, taasi oo ay sheegeen in ay u gudbin doonaan maxkamadda ku shaqada leh.

Taliyaha Saldhigga Booliska Magaalada jowhar Gaashaanle Bashiir Xasan ayaa sheegay in sidoo akle ay ku raad joogaan koox akle oo baxsad ah, sidoo kalena ay baaritaan dheeraad ku sameyn doonaan kiiska ay hadda gacanta ku hayaan.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa habeen ka hor sidan oo kale loogu qabtay kooxo ka ganacsan jiray waxyaabaha maanka dooriya, waxaana laamaha ammanku jowhar ay kawadaan sidii ay u ciribtiri lahaayeen maandooriyaha.