Liverpool oo wajaheysa dagaal dhanka suuqa ah oo ku aaddan saxiixa Raphinha kaddib markii……

0
79

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa loollan adag kala kulmeysa dagaalka suuqa kala iibsiga ee ku aaddan saxiixa laacibka Leeds United ee Raphinha kaddib markii ay Chelsea kusoo biirtay kooxaha doonaya saxiixiisa.

Blues ayaa baadi goobeysa laacib ka ciyaara garbaha weerarka xagaaga soo aaddan, waxayn haatan diiwaanka xiddigaha ay dooneyso ay ku darsatay laacibka reer Brazil sida laga soo xigtay suxufiga Taliyaaniga ah Gianluigi Longari.

25-sano jirkan ayaa sidoo kale waxaa u gacan haatinaya Liverpool oo ahayd kooxdii ugu horreysay ee weyn ee soo bandhigta xiisaha ay u heyso saxiixiisa iyadoo ku dooneysa 50 milyan oo gini.

25-sano jirka reer Brazil ayaa qaab-ciyaareed heer sare ah kusoo bandhigay naadiga Leeds tan iyo markii uu 2020 kusoo biiray isagoo u dhaliyay 14 gool sidoo kalena caawin ka geystay 10 kale kaddib 46 kulan oo uu Premier League u ciyaaray.