Maxaa keenay in roodhileeyda Hargeysa ay isdhaarsadaan?

0
273

Ganactada roodhida samaysa ee Hargeysa ayaa sheegay in ay waayeen cid ka tirsan dowladda oo ka hoos qaadda cabasho ay sheegeen in ay ka qabaan sicirka oo sare u kacay.

Qaar ka mid ah ganactada roodhida oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ay iskudayeen in xukuumadda ay kala hadlaan cabashada dhanka sicir bararka ee ay qabeen ka hor inta aysan go’aansan in ay kordhiyaan qiimaha roodhida.

“Waxaan iskudaynay in aan la kulanno masuuliyiinta dowladda, codsi baannu u qornay wasiirka, annagaa idinla soo hadlayna baa la yidhi, dhowr jeer baannu ku noqnoqonnay, wali cid nala soo hadashay ma jirto”. Ayuu yidhi, Siciid Xasan Siciid oo ka mid ah Roodhileeyda oo BBc-da la hadlay.

Xildhibaanda Somaliland oo ka dooday arrimo ay ka mid yihiin sicir-bararka iyo ammniga

Ganacsatada roodhida ayaa intaas ku daray in dhowr jeer oo hore ay dowladda kala hadleen sidii loogu samayn lahaa iskaashato ayaga u gaar ah oo la mid ah tan basaska, balse aan dhag jalaq loo siin.

Muuqaal baraha bulshada la soo geliyey ayaa muujiyey qaar ka mid ah ganactada roodhida ee Hargeysa oo isku dhaarsanaya in qiimaha roodhida la kordhiyo oo qiimo isku mid ah ay iibiyaan.

Ganacatada ayaa sheegay in ay kordhiyeen qiimaha roodhida oo sida ay sheegeen markii hore ay iibin jireen labo kun oo Shilinka Somaliland ah balse haatan ay ku korhiyeen shan boqol oo kaliya.

Sababta ay tallaabadan u qadeen ayay ku sheegeen in waxyaabihii ay roodhida ka smaayn jireen oo daqiiqdu ay ka mid tahay ay aad u qaaliyoobeen.

“Waxaa nagu kallifay, waxyaabaha aan roodhida ka samaynno oo dhan baa qaaliyoobay, tusaale ahaan sonkorta, daqiiqda, naafta oo aan foornooyinka ku dubno” ayuu yidhi Siciid Xasan.

Dhanka kale wasaaradda ganacsiga Somaliland ayaa tallaabada ay roodhiileeydu qaadeen ku tilmaantay mid sharci darro ah.

Wasiir ku xigeenka ganacsiga Somaliland, Muuse Ibraahim Salaf, oo goor sii horraysay BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ganactada roodhidu aanay marin waddadii saxda ahayd isla markaana aanay Xukuumadda la socodsiin waxa ay ka cabanayaan.

“Suuqa Somaliland waa suuq xor ah, oo qof kastaa xor u yahay wuxuu iibinayo, qiimaha maciishaddana uma goyn karaan koox gaar ah oo meel ku shirtay oo isku dhaarsatay oo sharci darro samaysay”. Ayuu yidhi wasiir ku xigeenka ganacsiga, Muuse Ibraahim Salaf.

Wasiirka ayaa dhankiisa qiray in uu jiro sicir barar guud oo Somaliland ay la wadaagto caalamka kale cudurka Covid-19 awgiis, balse wuxuu sheegay in uusan jirin sicir barar ku gaar ah Somaliland.

Muuse Ibraahim Salaf, ayaa ku hanjabay in ganactadaas laga qaadi doono tallaabo sharci ah, ayadoo ay jiraan warar sheegaya in la xidh xidhay qaar ka mid ah roodhiileeyda.

Si kastaba ha ahaatee ganactada roodhida ayaa sababta ay muuqaalka ugu baahiyeen baraha bulshada ku sheegay in ay doonayeen in farriintooda ay gaarsiiyaan baarlmaanka Somalinad si wax looga qabto xaaladda taagan.

“Waxaan doonaynay in cid kastaa ogaato, dowladdu ogaato, baarlamanka looga hadlo, wax kasta oo xaaladdaa wax looga qabanayana la sameeyo”.