Ninkii mar shaqo la’aanta ahaa ee kaddib noqday laacib ku guuleystay koobka kooxaha Yurub

0
311

Mar walba oo uu Afrika aado, Edouard Mendy oo u dhashay Senegal – ahna gool hayaha keliya ee Afrika ku matala Horyaalka Ingiriiska ee “Premier League” – wuxuu sheegaa in ay dhiirrigelin weyn siiyaan dadka uu la kulmo.

Xiddiggan ka tirsan kooxda Chelsea, oo 29 jir ah, waxa uu qaatay sannad lama illoobaan ah tan iyo markii uu bishii September, 2020-kii ku biiray kooxdaas, kaddib markii in la keeno uu ku adkeystay gool hayahayihii hore ee rugcaddaga ahaa, Petr Cech.

Hadda oo uu ku guuleystay labada koob ee kala ah Champions League iyo Uefa Super Cup, waxa uu cagta saarayaa waddadii Czech oo koobab badan ku guuleystay, isagoo doonaya inuu ka dul maro. Kooxda uu u ciyaaro ayaa u muuq atamid dardar culus ku socota oo mustaqbal wanaagsan uu ka horreeyo.

“Waa cajiib sababtoo ah dadka way igu faanaan guud ahaan qaaradda,” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay BBC Sport Africa. “Meel kasta oo ka mid ah Afrika, marka aan waddooyinka ku socdo, dadku waxay u istaagaan inay ii hambalyeeyaan.

“Waa arrin xiiso badan waayo marka aan joogo Koonfur Afrika, Congo ama Togo, waxaan arkayaa dhammaan dadka oo ii sheegaya inay igu faanaan, inay i taageeraan, waxayna igu dhiirrigeliyaan inaan dadaalka sii wado.

“Taasi waxay i siisaa farxad aad u weyn waxayna igu sii hoggaamisaa inaan sii wado guulaha.”

Waxyaabahn wuu lasii qabsanayaa hadda.

Sanadkiisii ugu horreeyay ee uu ciyaaray tartanka Champions League waxa uu ahaa mid xasuus mudan – maadaama uu koobkii ku guuleystay, isagoo noqday Gool hayihii ugu horreeyay ee Afrikan ah oo tobankii kulan ee ugu horreeyay aan wax gool ah laga dhalinin (oo ah rikoor ay dad kale sameeyeen), markii dambena waxaa loo magacaabay Gool hayihii ugu wanaagsanaa ee Uefa 2020-21.

Markii la joogay magaalada Porto, Mendy waxa uu noqday gool hayihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo ciyaaray fiinaalka tartanka Champions League, inkastoo Bruce Grobbelaar oo u dhashay Zimbabwe uu labo jeer kama dambeysta ka tagay tartankii ka horreeyay kan ee loo yaqaannay European Cup (isagoo ku guuleystay 1984-kii, balse ku guul darreystay 1985-kii).

“Wax lagu faano ayay noo ahayd aniga iyo qoyskeygaba,” ayuu yiri.

Grobbelaar iyo Mendy waxay ka mid yihiin gool hayeyaasha faro ku tiriska ah ee kasoo ciyaaray Horyaalka Ingiriiska ee Premier League, tan iyo markii la aasaasay 1992-kii. Gool hayeyaasha kale ee liiskaas kooban kula jira ayaa kala ah Carl Ikeme oo u dhashay Nigeria iyo Richard Kingson oo u dhahsay Ghana.

“Waan ogahay inay tahay mas’uuliyad, mar walbana waxaan sheegaa inaan sameyn doono wixii karaankeyga ah oo dhan si aan dadka u farxad galiyo aana u muujiyo inay gool hayeyaal kale oo reer Afrika ah imaan karaan Premier League.”

Ninkan Chelsea dhexdeeda looga yaqaanno ‘Edou’ ayaa sameynaya isla sidaas – isagoo aan wax gool ah laga dhalinin 35 ciyaar oo ka mid ah 65-tii ciyaar ee ugu horreysay ee uu u saftay Chelsea, waxaana laga dhaliyay 42 gool oo kaliya.

Mendy wuxuu abaal u hayaa Cech ee u saamaxay fursadda uu uga ciyaarayo Premier League-ga, kaasoo qudhiisa sameeyay dadaal uu kasoo billaabay kooxda Rennes oo uu ugu dmabeyn ku tagay garoonka Chelsea ee Stamford Bridge. Wuxuu kooxdan uu muddada dheer u ciyaarayay kula guuleystay hal Champions League, afar koob oo ah championships iyo koobab kale oo badan.

“Petr wuu ku dadaalay in shaqo la iga siiyo halkan, sidaas darteed markii aan imaaday, waxaan runtii doonayay inaan si fiican u dadaalo inta aan garoonka ku dhex jiro – si aan ugu muujiyo inuu qofkii ugu fiicnaa soo xushay, ayuu yiri Mendy.

Mendy waxa uu sheegay inuu xiiseyn jiray England maadaama ay ahayd meel uu garanayay uuna “jeclaa” mar horeba, isagoo marar badan booqasho ku tagay xilli ay walaashiis ku nooleyd halkaas.

Mendy ayaa waddankiisa Senegal ka caawiyay inay ka qayb galaan kooxaha sanadka 2022-ka ka qayb galaya isreeb reebka tartanka Koobka Adduunka ee ka dhici doona dalka Qadar. Waxa uu guulihiisa sabab uga dhigay aabihiis iyo walaalkiis oo uu sheegay inay garab istaageen xilliyadii uu caqabadaha waaweyn la kulmayay.

“Aabbeheey wuxuu ii sheegay in aan dadaalo haddii aan guul rabo, halka walaalkeyna uu i geyn jiray garoonka si aan ugu soo tababarto, sidaas awgeed waa qoyskeygakuwa mar walba igu taageeri jiray inaan yoolkeyga gaaro.”

Inkastoo uu qandaraaskiisii ugu horreeyay ee ciyaaraha heerka sare saxiixay 2011-kii, oo uu ku biiray koox ka tirsan tartanka heerka saddexaad ee Faransiiska, oo ah waddankii uu ku koray, waxa uu bannaanka kusoo dhacay markii uu qandaraaskaas ka dhammaaday sanadkii 2014-kii. Wuxuu noqday shaqo la’aan, meel uu ciirsan karayna ma jirin.

Kaddib markii uu si khaldan u hagay qof wakiil ka ah, wuxuu muddo hal sano ah ku qaatay shaqo la’aan, wax dhaqaale ahna ma uusan soo gelin.

Arrintaas ayaa Mendy oo waqtigaas ahaa 22 jir ku khasabtay inuu iska diiwaan geliyo hay’adda caawisa dadka shaqo la’aanta ku dhacday, maadaama uu mustaqbalkiisa ka fikirayay.

Balse markii ciyaartoy ay isku koox ahaayeen uu amaan ka gudbiyay, Mendy waxaa lagu daray kooxda Marseille oo uu ka ahaa gool hayaha afaraad. Laakiin bandhigiisa dhinaca keydka ayaa soo jiitay dad kale.

Mendy kaddib wuxuu aaday kooxda Reims oo ka ciyaarta heerka labaad ee Faransiiska, kuwaasoo uu ka caawiyay in lasoo dallacsiiyo.

Markii uu hal sano si fiican uga ciyaaray horyaalka heerka koowaad ee Faransiiska, wuxuu 2019-kii u wareegay kooxda Rennes, ilaa markii dambe ay Chelsea lasoo wareegtay, dadaal uu sameeyay Petr Cech awgiis.

 

Xigasho BBC