Odayaasha dhaqanka Puntland oo shaaciyay in xal laga gaaray Khilaafkii PSF

0
274

Odayaasha dhaqanka maamulka Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay ku howlanaa xalinta xiisadii ka dhalatay Agaasimihii PSF iyo madaxweynaha Puntland.

1 -Waxaa dhaqan gashay xilka qaadistii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ee uu xilka kaga qaaday Agaasimihii PSF Maxamuud Cismaan Cabdulaahi Dyaano looguna Magacaabay Aamiin Cabdilaahi Xaaji Kheyr

2-Guryaha Hubka iyo Gaadiidka waxaa Mulkiyadiisa iska leh Maxamuud Cismaan Cabdulaahi Diyaano

3-Xuquuqdii ka maqnayd ciidanka PSF mudo 13 bilood ah waa in ay bixsaa dowladu.

4-Waa in ay dowladu bixiso kharashka Ilaalada gaarka ah ee Agaasimihii hore ee Ciidamada PSF Maxamuud Cismaan Cabdilahai Diyaano madaama uu dalka u soo halgamay