Rooble oo ka hadlay go’aankii ka soo baxay Guddiga Doorashada ee Heer Federaal

0
109

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay go’aanka ka soo baxay Guddiga Doorashada ee Heer Federaal ee dib loogu celiyay kuraas ka mid aheyd doorashada Gollaha Shacabka ee la qabtay.

Guddiga doorashada heer federaal ayaa sheegay in doorashada kuraastaas aan loo marin habraacii saxda ahaa.

Rooble ayaa sidoo kale ku booriyay Guddiga Xallinta Khilaafaadka in iyaguna ay waajibaadkooda u gutaan si cadaalad ah oo waafaqsan Heshiisyada iyo Habraacyada doorashada ee laga soo gudbiyay cabashooyinka

Rooble ayaa xusay in aan laga aqbali doonin in guddiyada doorashooyinka ay ku takri falaan oo ay ku milmaan madaxda maamul goboleedyadda

Hadalka Rooble aya ku soo aadaya xili Guddiga doorashada heer Federaal ee FEIT uu sheegay in la laalay doorashadai labo kursi oo dhowaan lagu doortay magaalada Baydhabo.

Kuraasta la laalay ayaa kala HOP103 iyo HOP154, waxayna sheegeen guddiga in dib loogu celinayo doorashadooda kuraastaas.