Rooble oo la kulmay Safiirka Emaaraadka Carabta

0
249

Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya  Maxamed Axmed Alcuthman

 

rooble iyo danjiraha ayaa  ka wada hadleen xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii dowladda Imaaraadku qeyb uga qaadan lahayd gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.