Rooble oo Shir ka furay Magaalada Muqdisho

0
262

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa furay kulan wadatashi ah oo ku saabsan taabbagelinta geeddi socodka dowladnimada xilliga kala guurka ah

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya qaar ka mid ah  hay’adaha Qaramada Midoobay, Ururada Bulshada Rayidka iyo Qubaro ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa si gaar ah looga hadlayaa arimaha ay ka midyihiin xal u helidda hanaanka Doorashooyinka haatan ka socda dalka, iyada oo uu hadal ka jeediyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xubnaha kalae ee iyana shirka goobjooga ka ah ayaa waxaa ay soo jeediyeen aragti kala duwan oo ku saabsan taabbagelinta geeddi socodka dowladnimada xilliga kala guurka ah.