Soomaaliya oo markale noqotay wadanka ugu musuqmaasuqa badan adduunka.

0
272

Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa mar kale gashay kaalinta 1aad ee dalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, sida ay sheegtay hay’adda Transparency International.

Warbixin ay soo saartay hay’adda Transparency International ayay 2019, ku sheegtay in  Soomaaliya kaalinta gashay 9 aad ee wadamada ugu musuq maasuqa badan caalamka balse hada waxa ay gashay kaalinta 1aad.

Wadamada kale ee Afrikaanka ah ee liiska ugu hooseeya ka galay waxay kala ahaayeen: South Sudan 12 Sudan 16 Equatorial Guinea 16 iyo Guinea-Bissau 18.

Natiijooyinka sanadkan ayaa muujinaya in inta badan 180-ka waddan ee la falanqeeyay aysan muuqan wax hormar ah oo ay ka gaareen la dagaallanka musuqmaasuqa.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay meesha uga saartay qiimeynta CPI-da oo ay ku tilmaantay mid aan la isku halleyn karin oo been abuur ah, iyadoo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle uu horay ugu hanjabay inuu dacweyn doono Hay’adda Transparency International.

New Zealand ayaa loo aqoonsaday dalka ugu musuqmaasuqa yar waxaana ku xiga Denmark iyo Finland siday u kala horreeyaan.

Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sii waday guulo ay ku raadineyso kaalmo caalami ah iyada oo wax ka qabatay nidaamka maaliyada dalka.

Sannadkii 2020-kii, Maraykanku wuxuu si ku-meel-gaar ah u joojiyey maalgelinta Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed [SNA], isagoo u cuskaday dhowr dhacdo oo xiriira xotooyo.

Milatarigu waxa uu tan iyo markaas wixii ka dambeeyay qaatay aqoonsiga biometric ee shaqaalaha, taas oo sii fududaysay in la ogaado lacagaha khiyaanada ah.

Muddadii dib u eegista lagu sameeyay ee 2016, Bankiga Horumarinta Afrika ayaa intaas ku daray in Dhoofinta Soomaaliya ay hoos u dhacday 632 Milyan oo Doollar sannadkii 2016-kii, $133 milyan.

Wax soo saarka guud ee gudaha ayaa sidoo kale hoos uga dhacay 3.7 sanadka 2016 ilaa 1.5 sanadka 2020 Sidaas darteed, tani waxay la macno tahay in Soomaaliya ay sidoo kale ka mid tahay dalalka ugu saboolsan adduunka, iyadoo inta badan muwaadiniinta ay ku nool yihiin wax ka yar $1 maalintii.

Dalka waxa uu sidoo kale la daalaa dhacayaa masiibooyinka ay ka mid yihiin abaaraha iyo macluusha, fatahaadaha oo ay barbar socdaan dagaaladda u dhexeeya maleeshiyada beelleedyada iyo kuwa u dhexeeya ciidanka dowladda iyo Al Shabaab.