WAR DEG DEG AH.Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo ka badbaaday isku day dil la rabay in lagu khaarijiyo

0
311

Ciidamada Turkiga ayaa ku guulaystay in ay furfuraan Miino nooca dhajiska ahoo lagu xiray Gaari Sarkaal Booliis ah uu watay Sarkaalkaas oo qayb ka ahaa ilaalada Madaxweynaha wadankaas Erdogan kaas oo maanta booqasho ku joogay gobolka Siirt ee Koonfurta Bari ee dalkaasi halkaasi oo la filayay in ay ka bilaawdaan Banaanbaxyo lagu taageerayay Madaxweynaha.

 

Qalabkan miino ee Gaariga lagu xiray ayaa la helay daqiiqado ka hor inta uusan bilaaban dibadbaxa waxaana wararka sheegayaan in lala damacsanaa in la qarxiyo marka ay soo dhaqaaqaan Gawaarida Madaxweynaha Galbinaysay.

 

Laamaha Amaanka ee Turkiga weli ma bixin faah faahin dheeraad ah oo ku aadan dhacdadan.

La soco faah faahinta.