Axmed Du’caale Geelle Xaaf oo lagu xannibay Garoonka Hargeysa

0
132

Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Du’caale Geelle Xaaf ayay Hay’adaha Ammaanka Somaliland ka hor istaageen in uu gudaha u galo magaalada Hargeysa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xaaf lagu xanibay Qeybta VIP garoonka, isaga oo la filayo in dhowaan la saaro diyaarad geyn doonta wadanka Jabbuuti.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu magaalada Hargeyso u tagey arrimo u gaar ah oo ganacsi.

Xaaf dhowr jeer ayuu tagey Magaalada Hargeysa isaga oo aan xilligaasi aheyn Madaxweynaha Galmudug.

Ma cadda sababta loogu diiday in uu gudaha u galo Hargeysa, mana jiro hadal ka soo baxay Xukumadda Somaliland.