Axmed Madoobe oo war kasoo saaray tilaabadii Xukuumadda Rooble

0
146

Madaxweynaha Jubbaland ayaa soo dhoweeyay go’aanka Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble ay ku saxday qaladkii taariikhiga ahaa ee ay horay Xukuumaddii hore ugu aqoonsatay ONLF inuu yahay Urur Argagixiso

Waxaan soo dhawaynayaa go’aanka wanaagsan ee ay maanta Xukuumada Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku saxday qaladkii taariikhiga ahaa ee ay hore DFS ugu aqoonsatay ururka ONLF inuu yahay urur argagixiso.

Sidoo kale, waxaan uga mahad celinayaa Golaha Wasiirada ee Federaalka garwaaqsiga ay garwaaqsadeen in falkii lagu dhiibay muwaadin Cabdikariim Sheikh Muuse(Qalbidhagax) ahaa fal qalad ah, ceebna ku ahaa qaranimada iyo sharafta umadda Soomaaliyeed.