{DAAWO SAWIRADA} Guddoomiye Waaxeed lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

0
307

Allaha u naxariistee Axmed Xasan Ganey oo ahaa guddoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa caawa lagu dilay xaafadda Xoosh.

Dilka Guddoomiyaha ayaa loo adeegsaday qarax miino oo lagu diyaariyey wadada.

Sidoo kale laba askari iyo qof shacab ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxaas.

Ciidamada ammaanka oo goobtaas gaaray ayaa wada howlgallo baaritaan ah oo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey qaraxaas.