(DAAWO Sawirro) Deni oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka

0
127

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay kulana la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer Federaal Mudane Maxamed Cawil Warsame oo booqasho ku jooga Garawe.

Siciid Deni iyo guddomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa kawada hadlay doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee ka bilaabatay magaalada Garawe iyo sidii doorashada u noqon laheyd mid hufan

Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegay guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada in ay ku shaqeenayaan habraacii iyo heshiiskii gollaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho

Doorashada Xildhibaanada gollaha shacabka ee ka bilaabatay magaalada Garawe ayaa durba laga keenay cabasho xoogan, waxaana doorashadda loo diiday xubno isku soo sharaxay iyada oo sidoo kale lagu qabtay goob xero milatari ah.