Dagaal Xoogan oo ka dhacay Duleedka Baydhabo.

0
144

Wararka ka imaanayo Duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta ku meelgaarka ah ee maamulka Koofur galbeed soomaaliya gaar ahaan meel layiraahdo maayo fuulka oo duleedka beydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in Xalay halkaasi uu k dhacay Dagaal xoogan.

Dagaalkan oo ahaa mid Xoggan ayaa waxa  uu u dhexeeya Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab iyo Ciidamada Dowladda federaalka Somaliya.

Sida ay Dadka degaanka ahi HMC u shegeen Waxa ka dhashay khasaaro baaxad leh, inkastoo aysan cadeeynin inta uu gaarsiisanyahay.

Alshabaab wali kama aysan hadlin Dagaalka, sidoo kalana Maamulka Koonfur galbeed iyo Ciidamada Dowladda iyana wali kama aysan hadlin

Dagaalkaan ayaa kusoo aadayo iyadoo magaalada Baydhabo uu ka maqanyahay madaxweynaha koofur Galbeed Somaliya CabdiCaziiz Xasan maxamed Lafta-gareen isagoona safar ugu maqan magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.