Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

0
148

Waxaa goor dhow degmada wadajir ee gobolka Banaadir lagu dilay Guddoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahim Macow.

Marxuumka ayaa muddooyinkii u dambeysay daganaa degmada wadajir ee magaalada Muqdisho ka dib markii uu ka soo guuray gobolka Hiiraan

Wararka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dileen caawa xilli uu kasoo baxay masaajid uu ku soo tukaday salaadda Cishaha

Laamaha amaanka DF ayaan ka hadlin dilkan oo ku soo beegmay xili todobaadyadan ay sii kordheen dilalka iyo qaraxyada ka dhacaya magaalada