Jubbaland oo Maanta shaacisay Magacyada Odayaasha xulaya Saddex Kursi

0
96

Iyadoo saakay loo dareerayo doorashada 6-kursi oo Aqalka hoose ah kuwaas oo ku asteysan Jubaland laguna qabanayo Magaalada Kismaayo, isla markaana ay codeeneyso 606 ergo ayaa waxaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland uu shaaciyay Guddiga xulista Ergooyinka.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa lagu yiri” Iyada oo la fulinayo dhamaan habraacyada doorashooyinka 2021/2022 oo ay ku heshiiyeen Madasha wada-tashiga Qaran, isla markaana la xaqiijinaayo daah-furnaanta doorashada Golaha Shacabka, waxaan halkaan kusoo gudbineynaa magacyada odayaasha dhaqanka iyo bulshada
rayidka ee soo xulaya ergooyinka dooranaya kuraasta 3 ah oo kamid ah 14-kii kursi aan horey u shaacinay.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Odayaasha Dhaqanka iyo Ururada Bulshada rayidka ee soo xulaya Ergooyinka dooranaya Saddexda Kursi.