Macallin Mikel Arteta oo u duulay dalka Mareykanka

0
312

Macallin Mikel Arteta ayaa u duulay dalka Mareykankan si uu ula kulmo Stan Kroenke ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xiddigaha bisha Janaayo.

Mikel Arteta ayaa u safray Denver, Colorado si uu ula kulmo Milkiilaha kooxda Arsenal ee Stan Kroenke, waxaana la sawiray labadan shaqsi oo daawanaya kulan National League hockey ah.

Labadan nin ayaa si wadajir ah u fadhiyey oo daawanayey kulankii ay Colorado Avalanche 2-0 ku garaacday Chicago Blackhawks xalay.

Kulankooda ayaa yimid kaddib markii la shaaciyay in Arsenal ay Arteta u soo bandhigi doonto qandaraas cusub maalmo yar ka hor dhammaadka suuqa kala iibsiga ee Janaayo.

Sababta ka dambeysa safarka Arteta ee dalka Mareykanka ayaan si rasmi ah loo shaacin, laakiin waxay u muuqataa inuu la kulmay Kroenke si uu ugala hadlo arrimo ku saabsan suuqa kala iibsiga xiddigaha ee bishan Janaayo.

Kooxda Arsenal ayaa suuqa ka baadi goobaysa Weeraryahanka iyo xiddig khadka dhexe ah si ay naadiga uga caawiyaan inay gaarto guusheedii ugu horreysay ee sanadkan 2022.