Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

0
147

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, mid kalena waa uu ku dhaawacmay qarax caawa ka dhacay isgoyska Xararyaalle ee oo ka tirsan degmada Warta nabada ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo loo adeegsaday bam gacmeed ayaa la soo sheegayaa in lagu weeraray askar ka tirsan booliska DF oo ku sugneyd isgoyska Xararyaale.

Goob joogayaal ayaa sheegay salaadii cishaha kadib ay maqleen jug xoogan oo ka dhacday dhanka Isgoyska kadibna ay xigtay rasaas badan oo ciidamada rideen

Qofka geeriyooday iyo midka dhaawaca ah ayey wararku sheegayaan iney ahaayeen shacab ku dhowaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Ciidamada ammaanka ayaa bilaabay baaritaano amni xaqiijin ah, waxayna ku daba jiraan raggii ka dambeeyay weerarkan.

Waa qaraxii labaad ee 24 saac gudahood ka dhaca Muqdisho, maanta barqadii ayey aheyd markii qarax ismiidaamin ah lagu dhaawacay afhayeenka Xukuumada Somalia Maxamed Ibraahim Macalimu.