Qarax Ka Dhacay Deegaanka Qalimow

0
161

Wararka ka imaanaya Deeganka Qalimoow ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in qarax miinada nuuca dhulka lagu aaso ah uu ka dhacay oo goob maqaaxi ah oo ku taala deegaankaas.

Qaraxa miinada ayaa waxaa ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,waxayna wararku sheegayaan in haweeney maqaaxida lahayd, labo ruux oo rayid ah  iyo saddex askari ay ku dhinteen halka 8 kalana ay ku dhaawacmeen.Fa

Deegaanka Qalimow oo 30km dhinaca Koofur ka xiga magaalada Jowhar ayaa dhowr toddobaad kahor weerar ku qaaday dagaalamaaysha Alshabaab.