SAWIRRO:.Taliyaha Ciidamada Lugta ee Soomaaliya Oo soo gaaray Baladweyne.

0
253

Wafdi uu hogaaminayey Taliyaha Ciidamada Lugta ee Xoogga dalka ee Soomaaliyeed, General Maxamed Tahliil Biixi ayaa goordhow Soo gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

 

Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif Waxaa kusoo dhaweeyey Taliye Biixi, Taliyaha qeeybta 27aad ee Ciidamada Xooda Dalka Soomaliya Generaal Axmed Maxamed Tareedisho, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan, Hogaamiyaha Golaha Kacdoonka Gobolka Hiiraan Generaal Abuukar Xaaji Warsame {Xuud}

 

Taliyaha iyo Saraakiisha la socday ayaa soo dhaweeyn kooban waxaa loogu sameeyey Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne, iyagoa intaasi kadib looso galbiyey xarunta Guutada 5aad Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ee lama-galaay.

 

Taliyaha Ciidamada Lugta ee Xoogga dalka ee Soomaaliyeed, General Maxamed Tahliil Biixi ayaa lagu wadaa in uu kulan gaar ah la qaato Saraakiisha qeeybta 27aad ee Ciidamada Dowlada ee fadhigoodu yahay Magaalada Baladweyne, kuwaas oo kula hadle doono xaaladaha Amaanka ee Gobolka Hiiraan iyo sida loo qaadi lahaa Howlgal ka dhan ah Al.shabaab.

 

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Lugta ee Xoogga dalka ee Soomaaliyeed, General Maxamed Tahliil Biixi  ayaa lagu wadaa in uu kulan gaar ah Baladweyne kula qaato Generaal Abuukar Xaaji warsame {Xuud} oo manta qeeyb ka ahaa soo  dhaweynta loo sameeyey.