Xildhibaan Siciid Maxamed Maxamuud oo Muqdisho lagu doortay

0
115

Guddiga maamulka Doorashada kuraasta Gobolada waqooyi Somaliland SEIT ayaa goordhow qabtay doorashada tartanka kursiga tirsigiisu yahay HOP#244

Musharixiinta ku tartamay kursiga ayaa waxaa ay kala ahaayeen

  1. Musharax xildhibaan, Kaltuun Xayir Jaamac iyo
  2. Musharax Xildhibaan Mudane, Siciid Maxamed Maxamuud

Musharax xildhibaan Kaltuun Xayir Jaamac ayaa ka tanaasushay tartanka.

Musharax xildhibaan Siciid Maxamed Maxamuud Maxamed ayaa loo qaaday codka kalsoonida ee Ergada oo gacan taaga, helay 101 cod, ma jiraan cid ka aamustay.

Guddiga doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in kursiga tirsigiisu yahay HOP#244 loo doortay Xildhibaan Siciid Maxamed Maxamuud