Xildhibaano Hore Ugu Fadhiyay Lix Kursi Oo Kuraastooda Ku Waayay Doorashadii Kismaayo ka dhacday

0
341

Lix xildhibaan oo mid kamid ahaa baarlamaankii hore oo mid ka mid ah ay tahay haween ayaa ku waayay kuraastoodii doorasho maanta ka dhacday magaalada Kismaayo.

Dhammaan lixda kursi ee maanta doorashadoodu ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku guuleystey xildhibaano cusub.

Maamulka Jubbaland ayaa wararku sheegayaan inuu u xirey lixdan xildhibaan ee maanta la doortay kuraastooda iyadoo aysan ka dhicin tartan adag.

Cumar Ibraahim Xaashi ayaa ku guuleystay kursiga HOP 114 ee Golaha Shacabka kadib markii uu helay 80 cod halka musharaxii la tartamayay Cabdi Aadan Cabdulaahi uu helay 12 cod.

Kursigan ayaa waxaa hore ugu fadhiyay C/qaadir Maxamed Cismaan oo laga reebay tartanka.

 

Kursi kale oo la tartamay ayaa ku guuleystey Asad Cabdirisaaq Maxamed ayaa waxaa ku guuleystay

kursiga HOP 120 isagoo helay codad gaaraya 77 Cod, halka Siciid Cabdiqaadir Shugri oo la tartamayey uu helay 18 cod.

Sidoo kale waxaa kursigan hore ugu fadhiyay oo aan ka qeybgalin tartanka C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim Baqdaadi.

Cabdinuur Cali Aadan ayaa ku guuleeystay kursiga tirsigiisu yahay HOP028 kadib markii uu u tanaasulay musharaxii la tartamayey oo ahaa Axmed Cabdi Maxamed.

Kursigan ayaa waxaa hore ugu fadhiyay Cabdulaahi Maxamed Aadan Shaacir.
Ergada kursigaas HOP028 ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyey Cabdinuur Cali Aadan, waxaan ku dhawaaqay natiijada kursiga Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland.

Dr Siciid Maxamed Cali ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#093 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Kismaayo.

Sidoo kale kursigan waxaa waayay oo hore ugu fadhiyay Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo hore u soo noqday wasiirka diinta iyo owqaafta.

Maxamed Sheekh Nuur Cismaan ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#107 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Kismaayo. Ugu dambeyntii kursigan lixaad ayaa waxaa waayay oo hore ugu fadhiyay Xaawo Maxamed Aadan.