Xulka qaranka Egypt oo balan kaga sameystay Senegal finalka tartanka AFCON 2021 kaddib markii uu rigoorayaal kaga soo gudbay Cameroon

374

Xulka qaranka Egypt ayaa balan kaga sameystay Senegal finalka tartanka AFCON 2021 kaddib markii rigoorayaal 3-1 ah uu kaga gudbay Cameroon, kulankii wareega afar dhammaadka.

Qeyba hore ee dheesha ayeey labada xul qaran Cameroon iyo Egypt ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

90-ka daqiiqo ee dheesha ayaa waxay ku dhammaatay barbardhac 0-0 ah waxaana lagu daray 30 daqiiqo dheeri ah si loo xaqiijiyo xulka u gudbi lahaa finalka tartankan.

Ugu dambeyntii xulka qaranka Egypt ayaa iska xaadiriyay finalka Koobka qarammada qaaradda Afrika, kaddib markii uu rigoorayaal 3-1 ku garaacay marti galiyaasha tartanka ee Cameroon.

Gool FM.