Maxaa ka khaldan xulka kubadda cagta ee Soomaaliya ?

193

Xulka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa ka haray is reeb reebka loogu soo baxayo Koobka Qaramada Afrika, kadib markii ay Eswatini ka badisay laba kulan oo ay ciyaareen. Soomaaliya ayaa wadarta labada kulan looga badiyay 5-1. Xulka kubadda cagta ee Soomaaliya oo la asaasay 1951, FIFA na ku biiray 1962 ayaan weligii u soo bixin Koobka Qaramada Afrika.

Haddaba waxaan halkan ku faaqidi doonnaa afar arrimood oo caqabad ku ah xulka kubadda cagta ee Soomaaliya:

Dhismaha kooxda
Xulka u ciyaara Soomaaliya ayaa u badan dhallinyaro qurbaha laga soo uruuriyay oo la isu keeno maalmo uun ka hor inta aanay dhicin kulamada muhiimka ah, sida uu ku doodayo Maxamed Cumar Baakaay oo ah khabiir isboorti.

“Muqdisho waxaa ka dhisan kooxo ay u dheelaan ciyaartooy wanaagsan, sidoo kale gobollada waxaa laga heli karaa laacibiin horumar samayn kara, kuwaasoo intooda badan aan fursad u helin inay u cayaaraan qarankooda,” ayuu yiri Baakaay.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo marar badan arrintaa ka hadlay ayaa sheegay inay dedaallayaan, balse amni darrada ka jirta dalka iyo dhaqaalo yari ay u saamixi weyday inay la socdaan ama soo qaataan ciyaartooyda gobollada.

Dhowr iyo labaatanka ciyaartooy ee ka tirsan xulka qaranka, isla markaana ka qeyb qaata tartamada dibedda, laba ciyaartooy oo keliya ayaa laga qaatay gudaha, sida ay BBC-da u sheegeen ilo xog ogaal ah.

Heerarka hoose ee kubadda cagta
Inta badan xulalka iyo naadiyada caalamka ayaa leh dhaqan u gaar ah, kuna salaysan in ciyaartooyda laga soo dhiso hoos. Tusaale ahaan, waddamada heerka ka gaaray kubadda cagta ayaa leh xarumo carruurta iyo da’ yarta lagu abaabiyo kubadda iyo xirfadaha ciyaarta.

“Haddii loo baahan yahay in la helo xul qaran oo heer ka gaara garoomada caalamka, waa in Soomaaliya ay yeelato hannaan hoos laga soo dhiso oo da’ yarta lagu baro falsafad kubadda cagta ah oo inoo gaar ah,” ayuu yiri Maxamed Xaaji Xuseen oo ka faallooda ciyaaraha, kuna nool magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.

Kooxda hadda u safata qaranka Soomaaliya ayaan jir ahaan u diyaarsanayn, sida uu ku doodayo Maxamed Xaaji, waxaana ay taa qeyb ka tahay sababaha keena guuldarrooyinka.

“Ma aha koox isku fahanta qaab ciyaareedka, oo sanadkiiba mar qura ah ayay isu yimaadaan. Tusaale ahaan, ka hor kulankii kobaad ee Eswatini, waxaa isugu dambeysay ciyaartooyda xulka bishii June 2021,” ayuu yiri Maxamed Xaaji.

Maamul xumo

Xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya oo muddo uu khilaaf ka dhex taagnaa ayaa marar badan lagu eedeeyay inuu wax badan ka qaban waayay caqabadaha haysto xulka qaranka.

Dhaliisha ugu badan ee loo jeediyo xiriirka ayaa ah in marka uu tartan jiro oo keliya ay ciyaartooyda u yeeraan, halkii ay xarumo tababar u furi lahaayeen kooxda, la isuna bari lahaa ciyaartooyda.

Khubarada qaar ayaa sheegay inay soo gaartay arrin ah in xubnaha xiriirka ay ka caga jiidaan in xulka uu dheelo kulamo saaxiibtinnimo ah oo dibedda ka dhaca, iyagoo ka cararaya culayska dhaqaale ee ay arrintaas leedahay.

Guddoomiyaha cusub ee xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, Cali Shiine, oo aan rabnay inaan u bandhigno eedeymaha loo jeediyay aan ku heli weynay telefoonka.

Garoon la’aan

Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ma jirin kulan caalami ah oo xulka Soomaaliya uu ku dheelay gudaha dalka, colaadda awgeed.

Garoonka ugu weyn caasimadda – Muqdisho stadium – ayaa dayactir lagu sameeyay, dibna loo hawlgeliyay bilowdii 2020, balse ma jiro ilaa hadda dal ay Soomaaliya ku marti gelisay.

Maxamed Xaaji ayaa ku doodaya in inkastoo ay muhiim yihiin kulamada ay xulalka ku dheelaan gudaha dalkooda, haddana laga kaaftoomi karo haddii uu jiro xul dhisan oo lagu kalsoonaan karo.

“Waxaa jira xulal ku dheeli jiray garoomada waddamo kale guulana keenay, sida Croatia markii uu dagaalka Yugoslavia socday Talyaaniga ayay ku dheeli jirtay. Liberia 1995 waxa ay ka qeybgalaysay Koobka Qaramada Afrika iyadoo dalkeeda uu dagaal ka socdo. Marka haddii la helo koox wanaagsan, taasi waa laga sii socon karaa ilaa xad,” ayuu sheegay Maxamed Xaaji.

Xigasho BBC