AKHRISO: Salah, Drogba, Toure: Xiddigihii Ugu Fiicnaa Afrika Ee Ka Ciyaara Premier League Oo La Magacaabay

0
174

Halyeeyadii horyaalka Premier League ee Alan Shearer iyo Micah Richards ayaa soo xushay min tobankii ciyaartoy ee Afrikaan ahaa ee ugu fiicnaa ee ka ciyaaray horyaalka Premier League, waxaanay isku khilaafeen kaalinta koowaad oo uu midkood u diiday xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah.

Gary Linekar ayaa barnaamijka MOTD ee ka baxa BBC Sport waxa uu ku weydiiyey Shearer iyo Richards inay soo xushaan min tobanka ciyaartoy ee ay is leeyihiin way ugu fiicnaayeen horyaalka Premier League ee kasoo jeeday qaaradda Afrika, waxaana safka hore isku qabsaday Didier Drogba iyo Mohamed Salah.

Alan Shearer oo xulashada ku horreeyey ayaa liiska ciyaartoydiisa kaalinta ugu dambeeya ka geliyey xiddigii reer Nigeria ee Jay-Jay Okocha, waxaana uu kusoo daray Aubameyang oo Arsenal ka tegay bishii January iyo Emmanuel Adebayor oo muddo u ciyaaray kooxaha Arsenal iyo Tottenham.

Nwankwo Kanu oo ay garoomada ku xafiiltami jireen ayaanu Shearer illoobin, waxaanu uu geliyey kaalinta lixaad inkasta oo uu laacibkan  hore ee reer Nigeria ka mid ahaa ciyaartoydii ugu xirfadda badnaa ee Afrikaan ah ee ka ciyaara Premier League, qaybna uu ka qaatay guulihii Arsenal ee horraantii qarnigan 21aad.

Kaalinta koowaad ayuu Shearer u doortay Didier Drogba oo bud-dhig u ahaa guulihii Chelsea ay gaadhay markii uu lacagta badan geliyey Abramovich sannadkii 2004, waxaanu labaad u diray Mohamed Salah, halka Sadio Mane uu ka dhigay laacibkii saddexaad ee  ugu fiicnaa ee kasoo jeeda qaaradda Afrika ee ka ciyaara horyaalka Premier League.

Waxa uu afraad ka dhigay Yaya Toure, iyadoo uu Riyad Mahrez noqday ciyaartoyga shanaad ee ugu fiicnaa.

Micah Richards ayaa isagu xiddigii ugu fiicnaa u doortayy Mohamed Salah, waxaanu labaad geeyey Didier Drogba, halka saddexaadna uu ka dhigay Yaya Toure, iyadoo Sadio Mane uu afraad fadhiyo.

Tobanka ciyaartoy ee Alan Shearer uu soo xushay

#10: Jay-Jay Okocha

#9: Pierre-Emerick Aubameyang

#8: Emmanuel Adebayor

#7: Nwankwo Kanu

#6: Michael Essien

#5: Riyad Mahrez

#4: Yaya Toure

#3: Sadio Mane

#2: Mohamed Salah

1: Dider Drogba

Tobanka ciyaartoy ee Micah Richards uu xushay

#10: Nwankwo Kanu

#9: Emmanuel Adebayor

#8: Jay-Jay Okocha

#7: Pierre-Emerick Aubameyang

#6: Michael Essien

#5: Riyad Mahrez

#4: Sadio Mane

#3: Yaya Toure

#2: Didier Drogba

#1: Mohamed Salah