Barcelona Oo Lukaku Doonaysa, Daafaca Bidix Ee Barcelona Heshay & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

0
149

Barcelona ayaa u jeedsan doonta dhinaca weeraryahanka Chelsea ee Romelu Lukaku, 28 sano jirkaas ayaa qorshaha saddexaad u ahaa kaddib markii ay adkaadeen heshiisyadii ay ku doonayeen Erling Haaland iyo Robert Lewandowski. (Marca)

Manchester City ayaa laga yaabaa inay xagaagan isku daydo iibinta Riyad Mahrez oo 31 sano jir ah. (Give Me Sport)

Arsenal iyo Newcastle ayaa kusoo biiray tartanka Paulo Dybala oo xagaaga bilaash kaga tagaya Juventus xilli Man United iyo Tottenham ay xilli horeba xaaladiisa ka wardooneen. (ESPN, via Mail)

Arsenal ayaa garabkeeda Nicolas Pepe saxeexiisa u bandhigtay koox kale oo Premier League ah. (Express)

Advertiseme

Pep Guardiola ayaan ku deg-degi doonin inuu heshiis kordhin u sameeyo Man City isaga oo kaga jawaabaya heshiis kordhinta Klopp ee Liverpool xilli heshiiskiisii hore uu dhacayo 2023. (Manchester Evening News)

Manchester City ayaa diirada saaraysa kordhinta heshiiska Phil Foden oo ay ka rabaan qandaraas gaadhsiisan ilaa 2027. (Fabrizio Romano)

Daafacii Man United ee Gary Neville ayaa sheegay inay tahay inaan Ralf Rangnick ka shaqayn doorka la-taliyenimo ee kooxda kaddib markii uu aqbalay shaqada xulka Austria. (Sky Sports, via Express)

Leeds United khadkeeda dhexe ee Kalvin Phillips ayaa bedelaya wakiilkiisa si uu heshiis uu Leeds kaga baxayo u suurogalo xilli Man United ka shaqaynayso saxeexiisa. (Manchester Evening News)

Kalvin Phillips ayaa u diidi kara inuu Man United ku biiro sababta xifaaltanka kala dhaxeeya kooxda uu ilaa carruurnimadiisii ak tirsanaa ee Leeds.(Mail)

Liverpool ayaa u dhaqaaqi karta saxeexa Jude Bellingham oo Borussia Dortmund ka tirsan xilli heshiisyada xiddigo dhawr ah oo kooxdeeda ahi dhaw yihiin. (Goal, via Express)

Lazio ayaa isha ku haysa saxeexa khadka dhexe ee Chelsea ee Ruben Loftus-Cheek. (Corriere dello Sport – in Italian)

Graham Potter oo Brighton ah iyo tababaraha Talyaaniga ee Roberto Mancini ayaa kamida bartilmaameedyada Tottenham haddii Conte ka tago kooxdaasi xagaaga. (Telegraph – subscription required)

Napoli ayaa u dhaqaaqaysa daafaca bidix ee kooxda Bologna ee Aaron Hickey. Bologna oo ay kooxdiisu 18 Milyan oo pound iibkiisa ku xidhay xilli uu sidoo kale xiiso ka helayo Juventus, AC Milan, Newcastle iyo Brentford. (Scottish Express)

Arsenal daafaceeda Cedric Soares ayaan qabin wax dareen ah oo uu kaga tagayo kooxdaas xilli la sheegayo inuu xiiso ka helayo Newcastle iyo Porto. (Correio da Manha, via Sport Witness)

Newcastle ayaa rasmi ka dhigi doonta heshiiska amaahda ah ee daafaca bidix ee Aston Villa kaga yimid ee Matt Targett. (Caught Offside)

Barcelona ayaa u dhaqaaqaysa daafaca bidix ee Celta Vigo ee Javi Galan,. (Mundo Deportivo – in Spanish)