Manchester City ayaa doonaysa inay kusoo laabato wadada guulaha kulanka ay maanta martiyayso kooxda kaalmaha horyaalka lagaga dhaadhaco ka ordaysa ee Burnley oo ay ku booqanayaan garoonka dhibka badan ee Turf Moor.
Citizens ayaa haatan hal dhibic ka sarreeya Liverpool oo iyaduna isla maanta soo dhawaynaysa Watford oo qudheedu kaalmahaas hoose ku jirta.
Burnley ayay ka maqnaan doonaan xiddigaha kala ah Nathan Collins, Ben Mee iyo Kevin Long. Waxa isagu kulanka ka qayb qaadan kara Matej Vydara oo tababarka kusoo laabtay balse waxa wali iyaguna dhaawacyo qaba Erik Pieters iyo Johann Berg Gudmundsson.
Ederson oo xanuun haleelay dartii uga soo baxay xulka Brazil ayaa diyaar ah halka sidoo kale ay kasoo kabteen dhaawacyo ku gaadhay waajibaadkooda qaran Raheem Sterling iyo John Stones.
Nathan Ake oo usoo ciyaaray xulkiisa Netherlands kulamadii caalamiga ahaa ayaa diyaar ah haddiiba uu xilli dambe cabasho cusub keeno John Stones.
Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Burnley: Pope; Roberts, Tarkowski, Long, Taylor; Lennon, Westwood, Brownhill, McNeil; Weghorst, Cornet
Manchester City: Ederson; Walker, Stones, Laporte, Cancelo; De Bruyne, Rodri, Bernardo; Sterling, Foden, Mahrez
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Turf Moor
Wakhtiga: 5:00 galabnimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Craig Pawson