Real Madrid ayaa isha ku haysa inay kusoo laabato wadada guulaha kaddib guuldarro miisaan culus oo kulankii ugu dambeeyay kasoo gaadhay kooxda ay xifaaltamaan ee Barcelona.
Los Blancos oo haatan sagaal dhibcood hoggaanka kaga haya Sevilla ayaa booqanaya kooxda Celta Vigo xilli uu sababta caabuqa Korona Fayras kaga maqnaan doono tababare Carlo Ancelotti.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Celta Vigo ayuu ka maqnaan doonaa kabtankeeda Hugo Mallo oo inta xilli ciyaareedka ka dhiman seegaya balse waxay dib u helayaan Javi Galan iyo Franco Cervi.
Dhinaca Real Madrid waxa maqnaan doona Eden Hazard oo dhawaan qaliin lagaga sameeyay canqawga, sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Isco iyo Luka Jovic aysan diyaar ahayan amaba shaki weyni ku jiro.
Toni Kroos oo dhawr maalmood xanuun ku maqnaa ayaa la rajaynayaa inuu soo laabto ciyaartan halka Ferland Mendy iyo Karim Benzema oo dhawaan tababarka buuxa kusoo laabtay lagu wado inay shaxda asaasiga ah toos dib ugu soo galaan.
Rodrygo Goes iyo Vinicius Jr oo ahaa weerarkii Los Blancos ee kulankii Clasico ayaa garbaha weerarka ka caawin kara Benzema haddiiba uusan Ancelotti door-bidix Marco Asensio.
Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Celta Vigo (4-1-3-2): Dituro; Murillo, Aidoo, Araujo, Galan; Beltran; Mendez, Suarez, Cervi; Aspas, Mina
Real Madrid (4-3-3): Courtois; Carvajal, Militao, Alaba, Mendy; Modric, Casemiro, Kroos; Rodrygo, Benzema, Vinicius
Xogta Kulanka
Tartanka: La Liga
Garoonka: Abanca Balaidos
Wakhtiga: 7: 30 fiidnimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Pablo Gonzalez