Chelsea ayaa rajaynaysa inay sii wado guulaha xidhiidhka ah ee ay dhawaanahan soo gaadhaysay marka ay maanta Stamford Bridge kusoo dhawayso kooxda ay London ka wada ciyaaraan ee Brentford.
Blues ayaa kahor fasaxii kulamada caalamiga ah kulankeedii ugu dambeeyay guul ay ka gaadhay Middlesbrough ugu gudubtay wareega afar dhammaadka FA Cup halka ay Bees kulankoodii ugu dambeeyay guuldarro kala soo kulmeen Leicester City.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Thomas Tuchel ayaa war wanaagsan ka helay waaxda caafimaadka ee kooxdiisa, Andreas Christensen iyo Reece James ayaa labaduba dib u bilaabay tababarka buuxa balse Callum Hudson-Odoi ayaan u muuqan mid taam ah marka laga yimaado inuu tababarka qayb ka ahaa.
Christian Pulisic oo dhawaan xulkiisa Maraykanka ula soo baxay koobka aduunka ayuu sidoo kale shaki ku jiraa bed-qabkiisa kahor ciyaartan.
Si ka duwan Tuchel, tababare Thomas Frank ayaan isagu wax xiddigo ah oo ka dhaawacnaa dib u helin waxaana ka maqnaan doona wali saddexda ciyaaryahan ee kala ah Joshua DaSilva, Julian Jeanvier iyo Saman Ghoddos.
Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Chelsea (4-3-3): Mendy; Azpilicueta, Silva, Rudiger, Alonso; Kante, Jorginho, Kovacic; Mount, Havertz, Ziyech
Brentford (4-5-1): Raya; Ajer, Jansson, Pinnock, Henry; Mbuemo, Jensen, Norgaard, Eriksen, Wissa; Toney
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Stamford Bridge
Wakhtiga: 5:00 galabnimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Andrew Madley