Reds ayaa 3-1 uga soo adkaaday Benfica ciyaartaas kaddib goolal ay ka heleen Ibrahima Konate, Sadio Mane iyo Ruben Dias. Kooxda ka socota Portugal ayaan waxba la hadhi doonin ciyaartan iyagoo isku dayi doona inay natiijo aysan dunidu ka filayn la yimaadaan.
Kooxda soo baxda ayaa wareega afar dhammaadka ballan kaga samaysan doonta Villarreal oo xalay si cajiib ah meel u saartay Bayern Munich.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Naby Keita ayaa isaguna shaxda kusoo laaban kara isagoo bedelaya kabtan Jordan Henderson halka ay macquul tahay in Curtis Jones uu soo galo booska Thiago.
Luis Diaz iyo Roberto Firmino oo keyd ahaa kulankii Man City ayaa boosas ka heli kara xulashadan iyaga oo kasoo hormaraya Sadio Mane iyo Diogo Jota.
Sidoo kale Benfica ayaan ka cabanayn wax dhaawacyo ah oo cusub balse waxa wali dhaawacyo jilibka ah kasoo kabanaya Rodrigo Pinho iyo Lucas Verissimo.
Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Konate, van Dijk, Robertson; Keita, Fabinho, Jones; Salah, Firmino, Diaz
Benfica (4-4-1-1): Vlachodimos; Gilberto, Otamendi, Vertonghen, Grimaldo; Silva, Weigl, Taarabt, Everton; Ramos; Nunez
Xogta Kulanka
Tartanka: Champions League
Garoonka: Anfield
Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Serdar Gozubuyuk (Netherlands)