HORDHAC: Real Madrid v Chelsea – Blues Oo Soo Laabasho Isha Ku Haya, Rekoodhka Man United Ee Meesha Yaala & Shaxaha Macquulka Ah

0
215

HORDHAC: Real Madrid v Chelsea – Blues Oo Soo Laabasho Isha Ku Haya, Rekoodhka Man United Ee Meesha Yaala & Shaxaha Macquulka Ah

Kooxaha Real Madrid iyo Chelsea ayaa markale fooda is-dari doona iyaga oo markan ku kulmaya magaalada Madrid gaar ahaan gegida Estadio Santiago Bernabeu.

Ciyaartii hore ee ka dhacday Stamford Bridge Arbacadii toddobaadkii hore ayaa kusoo dhammaatay guul 3-1 ah ay oo ay Los Blancos gaadheen kaddib saddexley ay ka heleen Karim Benzema taas oo sababaysa in kooxda ree London caawa guul soo laabasho ah isha ku hayso.

Manchester United ayaa ah kooxda kaliya ee taariikhda Champions League iyadoo garoonkeeda lugta hore looga adkaaday farqi laba gool ah kasoo laabatay waxaana ay sidaas ku samaysay Paris Saint-Germain sanadkii 2019.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Real Madrid ayaa safka kooxdeeda kusoo dhawaysay daafaca bidix ee Ferland Mendy iyo weeraryahan Luka Jovic oo seegay kulankii horyaalka ee Sabtidii balse waxa wali maqan Eden Hazard.

Sidoo kale tababare Carlo Ancelotti ayaa xiddigaha kulankan uu kaga qayb galayo kusoo darsaday da’yarka kooxda yar-yarka Real Madrid ee Rafa Marin maadaama oo uu Eder Militao ganaax ku maqnaanayo ciyaartan.

Ancelotti ayaa shaxdiisa kusoo celin doona xiddigihii uu nasiyay kulankii Getafe ee Luka Modric, Toni Kroos iyo Dani Carvajal xilli Nacho uu booska daafaca dhexe ee Militao ka maqan yahay kala ciyaari doono David Alaba.

Chelsea ayaa dhinaceeda u safartay Madrid la’aanta saxeexa ugu qaalisan kooxdeeda ee Romelu Lukaku iyadoo Ross Barkley oo kaga maqnaan doono xanuun halka ay dhaawacyo mudo dheer ah markale ku seegayaan kulankan Ben Chilwell iyo Hudson-Odoi.

Timo Werner, Kai Havertz iyo Mason Mount oo saddexleyda weerar wacdarro kusoo dhigay ciyaartii ay 6-0 kaga soo guuleysteen Southampton ayuu markale Thomas Tuchel aamini karaa.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Real Madrid (4-3-3): Courtois; Carvajal, Nacho, Alaba, Mendy; Modric, Casemiro, Kroos; Valverde, Benzema, Vinicius

Chelsea (3-4-1-2): Mendy; Christensen, Silva, Rudiger; James, Kante, Kovacic, Alonso; Mount; Havertz, Werner

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Garoonka: Santiago Bernabeu

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa