Blues ayaa doonaya inay ka badbaadaan bahdilkii saddexaad ee xidhiidh ah kaddib laba guuldarro oo toddoba gool Stamford Bridge lagaga soo dhaliyay oo ka dhacay kulamadii Brentford iyo Real Madrid.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Southampton iyo tababare Ralph Hassenhutl ayaan kulankan awoodi doonin inay adeegsadaan weeraryahanka ay Chelsea amaahda kaga soo qaateen ee Armando Broja.
Saints ayaa dib u helaya xiddigaha kala ah Lyanco iyo Shane Long walow ay labaduba tijaabo xilli dambe ah oo taam ahaanshahooda ah mari doonaan.
Dhinaca Chelsea waxa uu shaki ku jiraa haddiiba ay kulankan diyaar u yihiin Romelu Lukaku iyo Hakim Ziyech oo dhaawacyo ku gaadheen kulankii Real Madrid halka ay hubaal maqnaan doonaan Callum Hudson-Odoi iyo Ben Chilwell.
Reece James ayaa daafaca garab-weerar kusoo bilaaban kara halka ay sidoo kale Marcos Alonso iyo Mateo Kovacic boosaska kala bixi karaan Azpilicueta iyo N’Golo Kante.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Southampton (4-2-2-2): Forster; Livramento, Bednarek, Salisu, Walker-Peters; Romeu, Ward-Prowse; Elyounoussi, Stuart Armstrong; Adams, Adam Armstrong
Chelsea (3-4-2-1): Mendy; Azpilicueta, Chalobah, Rudiger; James, Jorginho, Kovacic, Alonso; Mount, Werner; Havertz
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: St Marys’ Stadium
Wakhtiga: 5:00 galabnimo xilliga geeska Africa