WAR WEYN: Pep Guardiola Oo Man United Toos Ugu Sheegay Tababaraha Uu Kula Talin Lahaa

99

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa kooxda ay  xifaal Tamaan ee Manchester United u sheegay tababaraha uu kula talin lahaa inay jagada macalinimo ee halkaasi ka banaan u magacaabaan.

Tababaraha uu Guardiola u tilmaamay Man United ayaa ah midka inta ugu badan lala xidhiidhinayo ee Erik Ten Hag oo haatan hormood ka ah Ajax balse ay mar kusoo wada shaqeeyeen kooxda Bayern Munich.

52 sano jirkaas ayaa afar dhammaadka Champions League gaadhsiiyay Ajax sanadkii 2019 isla markaana horyaalkii saddexaad haatan la doonaya kooxdaas. Erik ayaa ahaa tababaraha da’yarta Bayern markii uu Pep kooxda koowaad ee halkaasi maamulayay.

Guardiola oo arrimahaas ka hadlayay ayaa yidhi “In badan ayaanu wada hadalnaa isaguna waa qof iyo bini-aadam cajiib ah, waxaan la yaabanaa sida uu u ahaa qof aan isla weyneyn”.

“Tayooyinkiisa marka ay noqoto kaliya eeg kooxdiisa Ajax sanadihii ugu dambeeyay, waa mid lagu raaxaysanayo in la daawado, kulamo badan maaha kaliya kulankii ay gaadheen afar dhammaadka Champions League”.

“Si aad tababare u qeexdo kooxihiisa daawo mudo dheer, tani waa koox tababarahanina isaga ayaa ciyaarsiiya ciyaartoyda, taas shaki kuma jiro. Haddii aan boqolkiiba boqol hubo waxa aan wici lahaa Manchester United waxaanan ku odhan lahaa ‘Ragoow waa inaad qaadataan’ balse cidina ma oga”.