Wararka SUUQA: Kooxda Ugu Cad Cad Saxeexa Rudiger, Arsenal Oo Ogaatay Qiimaha Osimahen & Ten Hag Oo War Ka Helay Xiddigii Uu Barca Ka Doonayay

0
127

Christian Eriksen ayuu doonayaa tababaraha Man United kusoo wajahan ee Ten Hag, 30 sano jirkaas ayaa haatan heshiis xagaaga dhacaya kula jooga Brentford. (Star Sunday)

Manchester City ayaa Manchester United kula tartami doonta saxeexa khadka dhexe ee Declan Rice. (Mail on Sunday)

Arsenal ayaa xagaagan dib usoo noolayn doonta xiisaheedii weeraryahan Tammy Abraham waxaana ay AS Roma  u bandhigi doonaan 50 Milyan oo pound. (Star Sunday)

West Ham ayaa ku biirtay dalabaadka laga gudbinayo weeraryahanka bilaashka kaga tagaya Torino ee Andrea Belotti. (Fichajes – in Spanish)

Real Madrid ayaa hoggaaminaysa tartanka daafaca dhexe ee Antonio Rudiger oo heshiiskiisa Chelsea xagaaga dhacayo. (Goal)

Rudiger ayaa diiday mushahar toddobaadkii 200,000 oo pound ah si uu usii joogo Stamford Bridge. (Sunday Telegraph)

Wadahadalada u dhaxeeya wakiilada Kylian Mbappe iyo maamulka PSG ayaa jiho wanaagsan u socda. (ESPN)

Tottenham ayaa xagaaga u dhaqaaqi karta garabka Bayern ee Serge Gnabry oo hore Arsenal ugu soo ciyaaray. (Sunday Express)

Barcelona tababaraheeda Xavi ayaa sheegay inuu doonayo inuu sii haysto Frenkie de Jong oo lala xidhiidhinayay Man United si uu dib ugula midoobo Erik ten Hag. (Manchester Evening News)

Leicester ayaa doonaysa saxeexa Ibrahima Sangare oo ka tirsan kooxda PSV Eindhoven Ibrahim Sangare balse xiddiga ree Ivory Coast ayaa ugu yaraan 30 Milyan oo pound ku kacaya. (Sun on Sunday)

West Ham ayaa isku dayi doonta inay Michael Keane kala soo wareegaan Everton haddii ay kooxdaasi Premier League ka dhaadhaco xagaagan. (Star Sunday)

Tottenham iyo Leeds ayaa daawaday khadka dhexe ee Bristol ee 10-ka Milyan ee pound ku qiimaysan ee Alex Scott. (Sunday Mirror)

Arsenal xagaagan waxay diirada saari doontaa 1 ama 2 saxeex sida uu sheegay agaasimaha farsamada ee Edu. (Evening Standard)

Juventus ayaa la xidhiidhay wakiilada 34 sano jirka PSG ka tagaya ee Angel di Maria. (Gianluca di Marzio – in Spanish)

Aston Villa ayaa kor u qaaday doonisteedii daafaca dhexe ee Marseille ee Duje Caleta-Car kaddib markii uu tababare Steven Gerrard toos u daawaday isaga oo ciyaaraya. (Football Insider)

Napoli ayaa ugu yaraan 80 Milyan oo euro ku doonaysa iibka Victor Osimhen oo kamida bartilmaameedyada Arsenal ee xagaaga. (CBS Sports)

Atletico Madrid khadkeeda dhexe ee Rodrigo de Paul ayaa doonaya inuu horyaalka Talyaaniga ku laabto waxaana isha la raacaysa Inter Milan. (La Gazzetta dello Sport – in Italian)

Celtic ayaa ku jirta wadahadalo ay heshiis rasmi ah kula wareegayso daafaca dhexe ee Tottenham ee Cameron Carter-Vickers (SBI Soccer)