Afhayeenka Booliska Soomaaliya” Caawa laga bilaabo waa bandow Muqdisho”.

0
79

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in caawa laga bilaabo in Bandow lagu soo rogay Magaalada Muqdisho.

Bandowgan ayaa waxaa uu ku egyahay maalinta Isniinta sida uu sheegay Afhayeenka Booliska.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in sababta bandowga loogu soo rogay magaalada Muqdisho ay tahay sugida amniga ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Maalinta beri ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.