Axmed Madoobe Oo Kulan Aan Caadi Ahayn La Yeeshay Golahiisa Wasiirada

0
59

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland  Ahmed Mohamed Islaam, ayaa caawa shir gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay lahayeen golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Jubaland.

Madaxweynaha ayaa golaha uga warbixiyay safarkii dhawaan uu ku tagay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka oo uu kaga soo qeybgalay doorashada Madaxweynaha JFS iyo xaalada guud ee dalka.

Axmed Madoobe ayaa tan iyo markii doorashada dhacday waxaa uu kulamo ka waday magaalada Muqdisho, waxaana uu la kulmay mas’uuliyiin kala duwan,kuwaasi oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku aaddan siyaasadda dalka.