Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Baladweyne Laba Xidigle bishaar Xuseen jimcaale Oo shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay in tiro dad ah ay usoo qabteen Dilkii xalay xaafada Xaawo Taako lagu dilay Allaha unaxariistee Cali Macalin Maxamuud oo loo yaqaanay {Cali Dheere}.
Taliyaha ayaa sheegay in dilka markii uu dhacay kadib ay howlgalo sameeyen Ciidamada Booliska ay kusoo qabteen tiro dad ah oo lagu tuhmayo dilka Allaha unaxariistee Cali macalin Maxamuud Cali Dheere kuwaas oo hada ku xiran Saldhiga booliska Baladweyne.
Taliyaha ayaa sheegay in ay uqorsheeyeen xaafadaha qaar in ay dajiyaan Ciidamo gaar ah madaama magaalada ay ku kordhiyeen dalalka qorsheeysan ee loo geeysanayo dadka shacabka ah iyo masuuliyeenta.