{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Shaaciyay Qorshihiisa Horumarinta Dhallinyarada.

0
127

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa shaaciyey qorshihiisa horumarinta dhallinyarada, kaasoo xoogga saaraya abuuridda fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay siindoonto hortebinta koowaad Hindisaha Shaqo Abuurka Qaran, si dhallinyaradu ay door weyn uga qaataan qorsheyaasha Qaran ee dib-u-dhiska dalka, kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo xoraynta dalkeenna.