{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka DANAB oo howlgal kula wareegay degaan katirsan Shabeellaha Dhexe

0
138

Ciidanka kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay Degaanka War-ciise ee gobolka Shabeelaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheeysan kaasi oo ay ku baacsanayeen Al-shabaab.

 

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ay Al shabaab ka soo furtay hub iyo gaari nooca ay Soomaalidu u taqaan Homay.

 

General Odowaa Yuusuf Raage xooga Dalka Taliyaha Soomaaliya oo la hadlay Idaacada ku hadasho Afka ciidamada ayaa intaas ku daray in ujeedka howlgalka uu ahaa ka hortaga dhagarta argagixisada ay u soo maleegaan Shacabka Soomaaliyeed.

 

Ciidamada ayaa so bandhigay Hub lacag shilin Soomaali gaari Homey oo ay sheegeen in ay Al-Shabaab ka furteen.

 

Dhinaca kale ma jirto wax war ah oo ka so baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalka ka dhacay Deegaanka War ciise ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.