{DAAWO SAWIRADA} Sagaal qodob oo ay iska kaashan doona Magaalooyinka Muqdisho iyo Konya

0
124

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) iyo Duqa Magaalada Konya ee Dalka Turkiga MR.ibrahim uğur altay ayaa si wadajir ah u wada saxiixay heshiis la xariira Walaaleynta iyo Iskashiga Labada Magaalo.

Heshiiska ay saxiixeen labada Duq magaalo ayaa dhigay in ay iska kaashadaan Sagaal qodob oo muhiim u ah wada shaqeyta iyo mataaneyta labada magaalo.

Labada magaalo ee Muqdisho iyo Konya ayaa iska kaashan doona qodobadan.

 

1. Maareynta qashinka iyo warshadeyntiisa
2. Gaadiidka Dadweynaha noocyadiisa kala duwan (Public transportation ).
3. Qorsheynta Magaalada iyo hagaajinta nidaamka adress yada Magaalada guud ahaan. (urban planning and adressing system )
4. Diiwaan galinta dadweynaha (Civic registration ) .
5. Tababaradda
6. Dalxiiska
7. Isboortiga noocyadiisa kala duwan
8. Dhaqanka iyo
9. Kaabayaasha dhaqaalaha (Infrastructure )