{DAAWO SAWIRADA} Ururka FESOJ oo tababar u qabtay madaxda warbaahinta madaxabannaan

0
123

Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay tababar hal maalin ah oo ku saabsan anshaxa shaqada, xuquuqda shaqaalaha, xuquuqul insaanka iyo u ololeynta hagaajinta xaaladaha warbaahinta.

Ka qaybgalayaasha oo ahaa labaatan xubnood ayaa isugu jiray agaasimayaal iyo maamulayaal warbaahin oo ka kala yimid Muqdisho iyo magaalooyin kale.

Seminaarka ayaa looga dooday Anshaxa suubban, Hab-dhaqanka hagaagsan, Maareynta Caqabadaha shaqada iyo iaalinta xuquuqda shaqaalaha iyadoo la raacayo xeerarka adduunka iyo shuruucda dalka u yaalla.

Waxaa la isla qiray in ay jiraan daldalloolo ay tahay in la buuxiyo; ha ahaadeen dhinaca hawlwadeennada iyo hoggaamiyeyaasha saxaafadda.

Xoghayaha guud ee ururka FESOJ Faarax Cumar Nuur, oo furitaanka ka hadlay ayaa hoosta ka xarriiqay in ay muhiim tahay in la helo buundooyin suto adag oo isku xira shaqaalaha, maamulaha, loo shaqeeyaha iyo sharciga caalamiga ah.

Gabagabadii ayaa waxaa dood furan yeeshay ka qaybgalayaasha iyo hoggaanka FESOJ, si ololeyn wax-ku-ool ah loo siiyo warbaahinta iyo weriyeyaasha iyadoo laga duulayo isbedelka dalka ka dhacay.

FESOJ oo ah ururka warbaahinteed ee ugu faca weyn difaacayaasha xuquuqda weriyeyaasha ayaa door firfircoon ku leh u qareemidda saxafiyiinta dhibbanayaasha ah, dhiirrigelinta weriyeyaasha hal-abuurrada ah iyo dhowrista shuruucda dalka u degsan.