Deegaanadda puntland oo saaka si rasmi ah looga fadhiistay Imtixaanka Fasalada 12-aad iyo 8-aad.

0
62

Ardeyda Puntland gaar ahaan Fasalada 8-aad iyo 12-aad saaka waxaa ay si rasmi ah ugu fariisteen imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo ah mid ay diyaariso Wasaaradda Waxbarashada dowlad Goboleedka Puntland .

Sanadkan oo noqonaya kii 20-aad oo ay Puntland ardeydeedu si midaysan imtixaanka u galayaan waxaa uu ka dhacayaa dhammaan Tuulooyinka Degmooyinka iyo magaalooyinka waaweyn .

Macalimiin iyo khubaro kale oo u tababaran ilaalinta imtixaanka ayaa ku sugan dhammaan Goobaha waxbarasho ee loo asteeyey in ardeydu imtixaanka ku galaan.

Maamulka Puntland ayaa ka duwan maamuladda kale dalka waxaa ay wasaaradda waxbarashada Dowlad Goboleedka puntland mar walbo diyaarisaa imtixaanka fasalka 12-aad iyo 8-aad iyadoona degaanadeeda ka qaada imtixaanka.

goboladda kale ee dalka ayaa la filayaa si lamid in imtixaanka fasaladda 2-1aad iyo 8-aad loo fadhiisto 13 bisha soo socoto iyo 18 bisha 6aad.