Farmaajo oo maanta Xilka Madaxweynaha JFS ku wareejinaya MW Xasan Sheekh Maxamuud.

0
65

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynihii 9aad ee JFS ayaa maanta xilka ku wareejinaya Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda ee dib loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guuleystay Doorashadii ka dhacday Muqdisho 15ka May 2022.

Farmaajo ayaa maanta bannaanka uga baxaya Villa Somalia tan iyo Febaraayo 2017kii oo sidaan oo kale uu xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ku wareejiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddiga diyaarinta Munaasabadda Xil-wareejinta ayaa diyaariyay xafladda maanta xilka ay ku kala wareegayaan Madaxweynihii 9aad iyo Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka si Xasan Sheekh uu u billaabo howlaha horyaalla 4ta sano ee loo dhaariyay.

Cabdirashiid Duqa oo ah Agaasimaha banneenaya Villa Somalia oo la hadlay TV-ga Universal ayaa sheegay in munaasabadda xil wareejinta lagu casuumay Madax dalka xilal kala duwan kasoo qabatay si ay goobjoog uga noqdaan.

“Guddiga u xilsaaran ee xil wareejinta ayaa todobaad ka shaqeynayay xil u kala wareejinta Madaxweynaha 10aad & Madaxweynihii 9aad, waxaa kasoo qaybgeli doonaa Madaxweynayaashii hore, Guddoonka BJF, Xukuumadda, Ra’iisul Wasaareyaal hore & Marti kale, MW Farmaajo waxa uu wareejinayaa dhammaan Dukumiintiyada uu gacanta lagu hayo kuwii lagu wareejiyay iyo kuwa muujinaya howlaha uu qabtay iyo waxyaabaha dhammeystirka u baahan” Sidaasi waxaa yiri Cabdirashiid Maxamed Xaashi Duqa.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha JFS ee Maanta Xilka la wareegaya ayaa noqday Madaxweynihii ugu horreeyay labo jeer loo doorto hoggaaminta Dalka, waxaa horyaalla wax ka qabashada Amniga, Dhaqaalaha, Hagaajinta Siyaasinta, Xiriirka Caalamiga, Doorashada soo socota & qabyo-tirka Dastuurka.