Maxaa kasoo baxay kulanka MW Madoobe & Wasiiradiisa ku yeesheen Kismaayo?

0
69

Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada Dowlad-Goboleedkaas oo looga hadlay xaaladda guud & wax ka qabashada howlaha horyaalla.

Axmed Madoobe ayaa ugu horreyn warbixin guud ka siiyay Golihiisa Wasiirada kulamadii ka dhacay Muqdisho iyo Doorashada Madaxweynaha 10aad JFS maadaama DG Jubbaland Doorashadaas ay ku metaleen Xildhibaanno iyo Senataro katirsan Baarlamaanka 11aad JFS.

Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa Wasiiradiisa faray in ay ka shaqeeyaan howlaha loo igmaday si loo sameeyo isla xisaabtan shaqo sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedkaas.

Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa dedaal xooggan geliyay sidii Villa Somalia looga saari lahaa Madaxweynihii 9aad ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si is baddel cusub uu dalka uga soo ifbaxo.

DG Jubbaland ayaa isu diyaarineysa qorshaha ay ku wajaheyso Degmooyinka Gobolka Gedo ee ka maqan gacanta Dowlad-Goboleedkaas, Madaxweyne Axmed Madoobe oo Kismaayo dib ugu laabtay 20kii May 2022 ayaa sheegay in uu ka shaqeynayo dib u heshiisiin laga sameeyo Gedo.

Waxa uu tilmaamay in aanay laga maarmin wadahadal iyo xal u raadinta eedaha la kala tirsanayo, Dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ka dalbaday in ay ka gacansiiso dedaallada uu wado.