MW Biden oo Japan u tagay xoojinta Dhaqaalaha & Ganacsiga.

0
64

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa si rasmi ah u billaabay socdaal labo cisho ah oo uu ku joogayo waddanka Japan, maanta waxa uu la ballansan yahay Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas Fumio Kishida & Boqorka Dalkaas Naruhito.

Wafdiga Biden ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha Yokota oo ah xarun ciidan oo ku taalla Magaalada Tokyo caasimadda Dalka Japan, kaddib ayaa lasoo gelbiyay sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin socdaalka ku wehlisa.

Biden ayaa socdaalkiisa ku sifeeyay mid uu ku xoojinayo horumarinta Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Qaaradda, waxa uu safarkiisa kasoo billaabay Kuuriyada Koofureed oo uu kula kulmay hoggaamiyaha Dalkaas.

Madaxweynaha 46aad ee Mareykanka Joe Biden waxaa u qorsheysan in uu la kulmo Madaxda waddamada India, Australia & Japan oo uu ku sugan yahay, dhammaan kulamadaas waxaa loo asteeyay Talaadada 24ka May 2022.

Socdaalka Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden waxaa barbar socda tijaabo gantaallo oo ay sameyneyso Kuuriyada Waqooyi, saraakiil katirsan Kuuriyada Koofureed ayaa sheegay in Xukuumadda Pyongyang ay rideyso gantaallo si ay u muujiso awooddeeda.