Puntland oo QM kala hadashay Arrimaha Abaaraha

0
85

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka & Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo Shaqadiisa wata kadib xilka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo aan Shaqeyn ayaa kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho.

Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan kadib doorashadii Madaxweynaha JFS iyo xaaladda Abaaraha iyo gargaarka bini’aadannimada.

Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho ayaa uga mahad celisay wadashaqeynta kala dhaxeeysa Puntland, iyada oo dalbatay in la xoojiyo wadashaqeyntaas.

Wasiir Dhamancad ayaa dhankiisa ka dalbaday Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho in ay Qaraamada Midoobay kordhiso gurmadka Abaaraha iyo dadaalka ay ugu jiraan dowlad adag oo ka dhalata Somaaliya.

Degaannada Puntland ayaa waxaa ay kamid yihiin Gobolada Soomaaliya oo ay saameeysay Abaarta, waxaana jirin gurmad rasmi ah oo aysan ka helin dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka intaba.